11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxa Howlgalka AUSSOM oo isbitaalo ku yaala Kenya ku booqday Askartii kaga dhaawacantay Bariire

- Advertisement -spot_imgspot_img
Talaado, September 9, 2025 (HOL) – Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya isla markaana ah Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa booqday ciidamo nabad-ilaalin ah oo dhaawacyo culus kasoo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadan ayaa la geeyay isbitaalo kala duwan oo ku yaalla magaalada Nairobi si ay u helaan daryeel caafimaad oo gaar ah, kaddib markii ay ku dhaawacmeen dagaalkii bishii hore lagu xoreeyay magaalada Bariire oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.

Danjire Diene ayaa ku adkeeyay sida ay AUSSOM uga go’an tahay badbaadada, caafimaadka, iyo daryeelka ciidamada ku dhaawacma howlaha ay ka wadaan Soomaaliya. 

Wuxuu yiri: “Howlgal ahaan, mar walba waxaan la soconnaa xaaladda iyo daryeelka ciidamada dhaawacma si loo hubiyo in ay helaan daryeelka ugu fiican.”

Isaga oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan AUSSOM iyo kooxo caafimaad, Danjire Diene ayaa bogaadiyay geesinimada iyo kartida ay muujiyeen ciidamada dhaawacmay, isagoo u rajeeyay caafimaad degdeg ah isla markaana fariin dhiirigelin ah u diray iyaga iyo qoysaskooda.

“Waxaan uga mahadceliyay geesinimadooda iyo guulaha ay ka gaareen jiidaha hore, Amniga Muqdisho maanta wuxuu yahay mid wanaagsan sababtoo ah shaqada adag ee ay ka qabteen Bariire iyo meelaha kale,” ayuu yiri Danjire Diene.

Waxaa sidoo kale la filayaa in inta badan ciidamadaas dhawaan isbitaalka laga saaro si ay ugu laabtaan qoysaskooda.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha caafimaadka ee isbitaallada, saraakiisha xiriirka, iyo kooxaha caafimaad ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) doorkooda joogtada ah ee ku aaddan daryeelka ciidamada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).