11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Puntland oo diiday nidaamka fiisaha Online-ka ee ay soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, September 8, 2025 (HOL) – Puntland ayaa ka hortimid nidaamka fiisaha Online-ka ee dhawaan ay hirgelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga baahan yahay ajaanibta dalka imanaysa inay si toos ah uga dalbadaan fiisaha Internet-ka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay “isbaaro hawada dhigatay”, isagoo sheegay in dowladda dhexe aysan xaq u lahayn inay maamusho soo-gelitaanka deegaannada ay ka taliyaan maamul-goboleedyada. Wuxuu tilmaamay in xaqa bixinta fiisaha iyo maamulidda garoomada ay leedahay Puntland marka ay timaaddo dadka kasoo degaya dhulkeeda.

“Waxaan cambaaraynaynaa, waa boob waxa ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka, isagoo ku daray in illaa heshiis rasmi ah laga gaaro arrintan, aysan dowladda dhexe awood sharci ah u lahayn inay gacanta ku hayso dadka ka soo dagaya garoomada dalka.

Wasiir Caydiid ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu mashquul ku yahay “urursi dhaqaale iyo boobka hantida shacabka”, isagoo caddeeyay in Puntland aysan aqbali doonin in dadka kasoo degaya garoomadeeda laga qaado waxa uu ugu yeeray “lacago baad ah” oo dowladda dhexe dooneyso inay ku ururiso magaca fiiso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan daahfurtay adeegga cusub ee fiisaha Online-ka, kaas oo markii ugu horreysay dadka ajaanibta ah siinaya fursad ay si fudud uga codsadaan fiisaha dal-ku-galka Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan caalamka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sheegtay in nidaamkan cusub uu muhiim u yahay sugidda amniga dalka, maaddaama xogta qof kasta oo fiiso dalbanaya si rasmi ah loo diiwaangelin doono. Agaasimaha guud ee hay’adda, Mustafe Dhuxulow, ayaa xusay in adeeggan uu sidoo kale gacan ka geysan doono kordhinta dakhliga dowladda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).