11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in la dhameystiray dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, September 8, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la dhameystiray dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya (Somalia Meteorological Agency) uu marayo heerkii ugu dambeeyay, isla markaana ay haatan hortaal Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo. Intii lagu guda jiray Shirweynaha Cimilada Afrika (Africa Climate Summit).
Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in hay’addan cusub loo dhisay si ay ula jaanqaado habraacyada iyo nidaamyada hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Hey’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada (World Meteorological Organization – WMO).

Tani waxay Soomaaliya u suuragelin doontaa inay hesho xog sax ah oo cimilada la xiriirta, taas oo muhiim u ah qorsheynta, digniinta degdegga ah, iyo la tacaalida xaaladaha degdegga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Hay’addan ayaa lagu wadaa inay noqoto tiir muhiim u ah dadaallada dalka ee la xiriira La socodka isbedelka cimilada, Digniinaha degdegga ah ee roobabka iyo duufaannada, Taageeridda beeraleyda iyo kalluumeysatada iyo Ka qaybgalka barnaamijyada caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in sameynta hay’addan ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ee dib u dhiska hay’adaha muhiimka u ah horumarka iyo xasiloonida dalka.

Soomaaliya ayaa si weyn uga mid ah dalalka uu si ba’an u saameeyay isbeddelka cimilada, iyadoo sanad walba la kulanta abaaro, fatahaado, iyo khatarta duufaanno, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hay’addan cusub ay qeyb ka noqon doonto ka hortagga saameyntaasi, isla markaana la dhisi doono awoodaha qaran ee la tacaala isbeddelka cimilada.

Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya waa tallaabo istaraatiiji ah oo dalka ka caawin doonta inuu si firfircoon uga qeyb qaato la tacaalka isbeddelka cimilada, iyo in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo khataraha ay la kulmaan, haddii ay Baarlamaanku ansixiyaan, hay’addani waxay noqon doontaa mid muhiim u ah qorsheynta iyo horumarinta dalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).