11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Ku-simaha Madaxweynaha oo La Kulmay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, September 8, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), ayaa kulan muhiim ah ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, iyo ku-xigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, Labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista dastuurka iyo xeerarka muhiimka ah ee horyaalla Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay danjiraha cusub, isagoo muujiyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Midowga Yurub.

Waxa uu xusay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Yurub ka qaato taageeridda dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ammaanka, maamulka suuban, iyo waxbarashada.

Danjire Francesca Di Mauro ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Guddoomiyaha doorkiisa hoggaamineed iyo sida uu ugu heelan yahay horumarinta xiriirka labada dhinac, Waxay carabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga si loo gaaro horumar waara.

Danjiraha ayaa sidoo kale ammaanay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hay’adaha dowladeed iyo kor u qaadidda kalsoonida beesha caalamka.

Midowga Yurub wuxuu sheegay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, maamulka, iyo horumarinta waxbarashada, Iskaashigan joogtada ah ayaa muhiim u ah Soomaaliya oo ku jirta marxalad kala-guur ah oo ay uga gudbayso caqabado badan si ay u gaarto xasillooni iyo horumar waara.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).