11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Jubbaland oo ka hadashay howlgalo ciidankeeda Daraawiishta ka fuliyeen gobolka Gedo

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, September 8, 2025 (HOL) – Taliska Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidanku ka sameeyeen wadooyinka isku xira degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beledxaawo.

Howlgaladaan ayaa lagu sheegay iney ahayeen kuwa ciidamadu uga hortagayeen dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab ee la xariira falalka amni daro iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka ku nool deegaanadaas.

“Ujeeddada howlgalka ayaa ah in laga hortago falalka dhibaatada iyo khataraha ay kooxaha Khawaarijtu ku hayaan shacabka deegaanka, iyadoo ciidamadu xoojiyeen joogitaankooda goobaha istiraatiijiga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jubbaland.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgaladaan oo kala ah Maxamuud Cabdi Hashi iyo Maxamed Xasan Buulle ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladaani ay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, islamarkaana ciidanku sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah.

Waxaa sidoo kale saraakiishu ugu baaqeen shacabka ku nool deegaanada Jubbaland inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka ee ku howlan dadaalada ay ku xaqiijinayaan amniga iyo xasilloonida deegaanada Jubbaland.

Ugu dambeyntii Jubbaland ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgaladaan ay ciidamadu isugu furayeen wadooyinka isku degmooyinka Doolow, Luuq iyo  Beledxaawo oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).