16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Agaasinka Waxbarashada G.Banaadir oo xayiraad kusoo rogay in taleefoonnada casriga ah loosoo qaadan karin iskuulada

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, September 7, 2025 (HOL) – Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar ku saabsan in iyadoo lagu guda jiro fulinta qodobbadii kasoo baxay War-murtiyeedkii Jowhar, in ardayda dugsiyada gobolka aysan soo qaadan karin taleefoonnada casriga ah (smartphones) inta lagu guda jiro waqtiga waxbarashada.

Tallaabadan ayaa agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir waxa uu ku tilmaamay in ay u qaadeen si loo xakameeyo saameynta taban ee ay taleefoonnadan ku leeyihiin waxbarashada iyo akhlaaqda ardayda.

Maamulka ayaa sidoo kale ka codsaday waalidiinta in ay si dhow ula shaqeeyaan maamulada iyo dugsiyada si loo hubiyo in ardaydu aysan wadan taleefoonnada casriga ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo jawiga waxbarashada iyo sidii loo ilaalin lahaa edbinta iyo anshaxa ardayda.

“Annagoo fulinayna qodobbadii kasoo baxay War-murtiyeedkii Jowhar, waxaa dugsiyada Gobolka Banadir la wadaagnay in ardayda aan loo ogolaan in ay soo qaataan taleefoonnada casriga ah (Smartphones), si loo xakameeyo saameynta taban ee ay ku leeyihiin waxbarashada iyo akhlaaqda ardayda, Waxaan ka codsanaynaa waalidiinta sharafta leh in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka iyo Dugsiyada, kaalintoodana ka qaataan hubinta in ardaydu aanay soo qaadan taleefoonnada casriga ah.” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay agaasinka Waxbarashada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxa ay arintaani muujinaysaa sida ay maamulka gobolka uga go’an tahay inay kor u qaadaan tayada waxbarashada iyo anshaxa guud ee dugsiyada, iyadoo la xakameynayo saameynta qalabka teknolojiyadda ee laga yaabo inay carqaladeeyaan waxbarashada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).