Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in arrimahani ay sababaeen in dowladdu wax ka qaban weydo la dagaalanka Qamriga, oo si xooggan ugu qulqulaya Puntland.
Lugatoor wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo go’aan cad oo dhigaya in qofkii maandooriye isticmaala oo lagu dilo isagoo gacmaha ku jira maandooriye, aysan jiri doonin wax magdhow ah oo laga bixin doono.
Wuxuu sheegay bixinta Magta in ay caqabad weyn ku tahay sugidda amniga iyo la dagaalanka maandooriyaha, isagoo intaa raaciyey in haddii aan go’aan midaysan laga gaarin arrintan, aysan suurta gal noqon doonin in wax laga qabto Qamriga.
“Maalin kasta markaan qof Qamriiste ah dilno, maydkiisa waxaa la geliyaa talaagad si dowladda ay magdhow uga bixiso. Haddii xal dhab ah la doonayo, qofkii Qamriiste ah oo la dilo waa inuu noqdaa Dameer baqtiyay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.
Sanadihii u dambeeyey, degaanada Puntland waxaa aad u soo badanayay dhacdooyinka amni darro ee ka dhasha maandooriyaha. Dad kala duwan ayaa lagu dilay Garowe iyo magaalooyinka kale sababo la xiriira isticmaalka maandooriyaha.