
Xildhibaanadu waxay xuseen in ay gudanayaan waajibaadkooda Dastuuriga ah sida ku qeexan Qodobka 61aad ee Dastuurka KMG ah ee 2012, oo tilmaamaya xilka iyo mas’uuliyadda xubnaha Baarlamaanka, iyo Qodobka 68aad, Faqradiisa 2aad oo dhigaya mudaynta kal-fadhiyada Golaha, Sidoo kale, waxay soo xiganayaan Qodobka 21aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo waajibinaya furitaanka kal-fadhiyada Baarlamaanka wakhtigooda.
Xildhibaanada ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay Guddoonka Golaha Shacabka oo ay ku tilmaameen kuwo baalmarey shuruucda Golaha, kana dhigay Baarlamaankii matalayay shacabka mid aan firfircoonayn oo hoos yimaada Madaxtooyada, halkii uu ka ahaan lahaa laan madax-bannaan oo ka tirsan hay’adaha dowliga ah.
Waxay sheegeen in Guddoonku uu caado ka dhigtay in uu dib u dhigo furitaanka kal-fadhiyada Baarlamaanka, iyadoo aan jirin wax cudurdaar sharci ah.
Arrintan ayaa keentay in labada kal-fadhi ee ugu dambeysay ee Golaha Shacabka ay shaqeyn kari waayeen wax ka yar hal bil, taasoo muujinaysa heerka uu gaaray hoos u dhaca hannaanka baarlamaanka iyo shaqada ay wakiilka uga yihiin Shacabka.
Xildhibaanadu waxay arrintan ku tilmaameen dhaqan ugub ah oo aan horay loogu arag saaxadda siyaasadeed ee dalka, taasoo keentay in Baarlamaankii shacabka loo beddelo mid hoos yimaada laanta fulinta, halkii uu ka ahaan lahaa hay’ad sharci dejin madax-bannaan.
Xildhibaanada Golaha Samata-bixinta Qaranka waxay muujiyeen inay sii wadi doonaan ilaalinta Dastuurka, ilaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ka hortagga in la baabi’iyo doorkii sharci-dejinta ee Golaha Shacabka.
Waxayna ugu baaqeen dhammaan xildhibaanada kale, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Golaha Shacabka iyo sidii dib loogu soo celin lahaa haykalka saxda ah ee dowladnimada.