16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ciidamada Jubbaland oo howlgalo ka dhan Al-shabaab ka fuliyay duuleedka Kismaayo

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, September 6, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo Xalay ilaa saakay waabarigii hore ciidamada Nabadsugidda Jubbaland iyo kuwa Daraawiishta maamulkaas ka fuliyeen deegaano ku yaala duuleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgaladaan ay sida wadajirka ah u fuliyeen labada ciidan ayaa ahaa mid lagu bartilmaameedsanayey xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku aruursanayay duuleedka magaalada Kismaayo. 

Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladaan ay ahayeen kuwa ay ku xaqiijinayeen amniga guud ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhadhaw.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga Kismaayo, waxana weli socota baaritaanka ku aaddan raadinta xubnaha firxadkooda,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Daraawiishta Jubbaland.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaalada Kismaayo, islamarkaana looga hortago weeraro kale.

Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Khamiistii laso dhaafay kooxda Al-shabaab tiro hoobiyeyaal ah ku weerareen saldhig ay ciidamada Mareykanka ee tababarka siiya Kumaandooska Danab oo ku taala duleedka Kismaayo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).