16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Guddoomiyihii hore ee xiriirka kubadda cagta Puntland oo lagu xiray Garowe

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, September 6, 2025 (HOL) – Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ku xirtay guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, Maxamed Cali Ciiro, xilli lagu waday inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Garowe.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Maxamed Ciiro lagu eedeeyay inuu diiday wareejinta xafiiska Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, taas oo sababtay muran muddo socda. Xogo kale ayaa sheegaya in loo xiray xiriirka uu leeyahay masuuliyiin Xamar jooga.

Xarrigiisu waxa uu ku soo beegmay xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shir ay isugu yimaadeen guddiga fulinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF).

Maxamed Cali Ciiro ayaa hore uga horyimid doorashadii guddoomiyaha cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, taas oo lagu doortay Cabdixakiin Xakiiki. Ciiro waxa uu ku eedeeyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland inay faragelin ku sameysay doorashada, isla markaana ay si cad uga garab istaagtay musharax gaar ah.

Dhanka kale, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa iyaguna ka horyimid natiijada doorashada, iyagoo weli guddoomiye u aqoonsan Maxamed Cali Ciiro.

Khilaafka ka taagan hogaanka Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa saamayn ku yeeshay kooxaha heerka koowaad ee kubadda cagta Puntland, kuwaas oo qaarkood ay la safteen labada garab ee isku haya hoggaanka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).