16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Faah faahino dheeraad ah oo laga helaayo Howlgal ay Ciidanka NISA ka Fuliyeen Deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, September 6, 2025 (HOL) – Ciidanka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal si heer sare ah loo qorsheeyey ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo ku yaalla inta u dhaxaysa deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Howlgalkaan oo bartilmaameedsaday xarun muhiim ah oo Al shabaab ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad cusub, ayaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Al shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah, Intaa waxaa dheer, 13 kale oo ka tirsan kooxdaasi ayaa la xaqiijiyey inay dhaawacyo culus soo gaareen.

Xogta laga helay goobta howlgalka ayaa muujineysa in xaruntaasi ay ahayd meel si gaar ah loogu diyaarinayey in ka badan 400 oo maleeshiyaad, kuwaas oo loo qorsheeyay inay fuliyaan weerarro ka dhan ah shacabka iyo dowladda Federaalka.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale ku raad-jooga haraadiga maleeshiyaadkii goobta ka firxaday, kuwaas oo la sheegay inay u baxsadeen dhanka degmada Ceelbuur.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xasillinayso dalka, isla markaana lagu burburinayo awoodda kooxda Al shabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah dalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).