20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ka hadlay weerar loogu geystay ciidankooda duuleedka magaalada Kismaayo

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, September 5, 2025 (HOL) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaciyay in ciidamadooda lagu weeraray meel u dhaw magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. 

War qoraal ah oo uu Taliska ku daabacay bartooda X ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid aan toos aheyn uu dhacay Khamiistii, islamarkaana uusan geysan wax khasaare ah.

“Ma jiro wax dhaawac Mareykan ah oo la soo sheegay, ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray saldhigga iyo hantida isbahaysiga” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska AFRICOM. 

Dhinaca kale warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamadeeda  ay xalay hawlgal ka fuliyeen garoonka diyaaradaha Kismaayo, gaar ahaan qaybta ay ka degan yihiin ciidamada Mareykanka.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in hawlgalka uu ahaa mid qorsheysan uu u dhacay, sidii loogu talagalay, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kasoo gaaray ciidamada iyo Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan garoonka Kismaayo.

Al-shabaab ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku xustay in hawlgalka loogu aargudayay xasuuqa uu Mareykanku gadaal ka taagan yahay ay Israel ku hayso shacabka Falastiinta.

Si kastaba ha ahaatee Saldhiggan weerarka ka geysteen Al-shabaab ee ku yaala duuleedka Kismaayo ayaa ah mid laga hoggaamiyo howlgalada duqeynta ah laga fuliyo deegaanada Jubbaland ee sida gaarka ah ugu sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).