20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar oo dhibic muhiim ah ka qaatay Ciyaartoodi Ugu Horaysay ee CECAFA Kagame Cup 2025

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, September 5, 2025 (HOL) – Kooxda haysata horyaalka Somalia Premier League, Mogadishu City Club, ayaa dhibic muhiim ah ka soo hoyday kulankoodii koowaad ee tartanka CECAFA Kagame Cup 2025, kadib markii ay 1-1 la soo galeen kooxda caanka ah ee Al Hilal Omdurman ee ka dhisan Sudan, kuwaasoo ay kuwada jiraan Group C.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Gen. Isamuhyo Stadium, ayaa waxaa 19-daqiiqo Ciyaarta mareeyso waxaa Naadiga Mogadishu City Club hogaanka u dhiibay Khadohi Kawasira oo gool rigoore ah ka dhaliyay dhigoodi Al Hilal.

Si kastaba ha ahaatee, Al Hilal Omdurman oo ah koox horumar badan sameysay, gaar ahaan sanadkii hore oo ay ku guuleysteen biladda bronzaha CECAFA, ayaan quusanin si ay u barbareeyaan naadiga Dowladda Hoose ee Xamar.

Kooxda Al hilal ayaa ugu dambeeyay waxaa u suurta gashay inay barbareeyaan Naadiga MCC qeybtii dambe ee ciyaarta iyadoo Emmanuel Elomo uu goolka barbaraha u dhaliyay kooxda ka dhisan dalka Sudan.

Qeybta labaad, Al Hilal ayaa si weyn u qabsatay garoonka iyo maamulka kubadda, waxaa dhowr fursadood ka qasaariyay oo goolal loo filan karay Emmanuel Elomo iyo Kindness Cole, balse difaaca Mogadishu City Club oo aad u adkaa ayaa ka hortagay weeraradaasi.

Tababaraha Mogadishu City Club, Dadir Amin Ali, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ay kooxdiisu uga adkaatay inay dhibic ka qaadato koox khibrad leh, isagoo intaa ku daray inay sii wadi doonaan dadaalka iyo shaqada adag si ay u guuleystaan kulamada soo socda ee kooxdaan ku jirta Group C.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).