20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Soomaaliya oo la sheegay in horumar dhanka ammaanka ah ay sameeysay iyo Dowladda oo soo dhoweeysay

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, September 4, 2025 (HOL) – Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka sameysay dhinaca ammaanka iyadoo lagu qiimeeyay kaalinta 151-aad ee liiska 2025 ee Global Peace Index (GPI), Tani waxay muujineysaa koror tartiib tartiib ah marka loo eego sannadihii hore.

Sanadkii 2023, Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta 156-aad, sanadkii 2024-na waxay okacday kaalinta 153-aad, halka 2025-na ay si kale ugu soo kacday kaalinta 151-aad, taas oo muujinaysa in dadaallo la taaban karo ay ka socdaan gudaha dalka.

Horumarkan ayaa lagu amaanay dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu xasilinayo dalka iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in horumarkan uu ka dhashay dib-u-habeyn lagu sameeyay hay’adaha ammaanka iyo hawlgallada milateri ee xoogga leh ee lagu beegsanayo kooxaha argagixisada.

Warbixinta GPI 2025 waxay sidoo kale muujisay in Soomaaliya ay hadda ka sareyso wadamo kale oo badan oo caalamka ah, sida Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo wali ku jira kaalmooyinka hoose ee amniga adduunka.

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa soo dhoweeyday warbixinta, iyadoo tilmaantay in horumarkani uu ka tarjumayo dedaallada joogtada ah ee dowladda iyo taageerada shacabka iyo beesha caalamka. 

Wasiirku wuxuu ballanqaaday in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasilooni dalka ka jirta.

Sidoo kale, warbixinta GPI 2025 ayaa iftiimisay isbedelada ammaanka ee gobolka, iyadoo Itoobiya ay kor u qaaday kaalinteeda ammaanka ah, halka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ay sidoo kale muujiyeen horumar yar oo amni.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).