20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxweyne Cirro: Cidkasta oo Somaliland kusoo xadgudubta guryahooda ayaanu ugu tagi doonaa

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, September 3, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin is xigxiga oo kor loogu qaadayo tayada ciidamada Somaliland. Isaga oo sheegay in ciidamada loo dhisi doono guryo, iyo isbitaallo lagu daryeelo caafimaadkooda.

Waxa uu sheegay in ay xukuumadiisu wado qorshe guud ahaan lagu casriyaynayo ciidanka, iyada oo dhawaan si casri ah loo tiro koobay dhamaan ciidamada kala duwan, isla markaana mushaarka loo kordhiyay. Warkan ayuu sheegay mar uu maanta booqasho ku tahay Xarunta Taliska Guud ee Hargaysa, oo uu kula kulmay saraakiisha ugu saraysa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay siyaasada guud ee gobolka iyo khataraha amni ee ay Somaliland ku sababi karto, isaga oo sheegay in Somaliland ay caan ku tahay nabad lakiin ay is difaaci doonto haddii lasoo weeraro.

“Xaalada siyaasiga ah ee gobolka maalinkasta wax ayaa kusoo kordhaya, Somaliland guud ahaan waa dal madaxbannaan oo arrimihiisa ka shaqaynaya, oo ku suntan nabad, taa macnaheedu maaha Somaliland isdifaaci mayso, Somaliland waxay u diyaartahay in ay qarankeeda difaacdo, gardaro kaga timaada dalka dbadiisa ciidamada qaranka ka jawaabaya” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa kale oo uu inta ku daray: “Inooguma jirto qorshaha horayna inoogu may jirin Somaliland in ay cid ku duusho, lakiin waxaanu xasuusinayna cidkasta oo isku dayda in ay Somaliland kusoo xadgudubto, ama ku gafto ama ku gardarooto in aanu guryahooda ugu tagi doono.”

Tallaabooyin uu hadda madaxweynuhu qaaday ayaa qayb ka ahaa ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada, isaga oo cod badan kaga helay deegaanada ay daganyihiin ciidamada Somaliland.

Somaliland ayaa dhawaan qaramaysay kumanaan askari oo cusub oo kamid ahaa maleeshiyo beeleedyo samaysmay intii ay socdeen dagaaladii ka dhacay gobolada Sool iyo Sanaag. 

Haddaba, deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen ayaa wali laga cabsi qaba in ay dagaalo markale ka dhacaan madaama Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari ay wali maxaabiis kala haystaan, isla markaana uu muran dhul ka dhexeeyo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).