20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Taliyaha cusub ee Africom oo Madaxda Howlgalka AUSSOM kala hadlay xoojinta dagaalka Al-shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, September 3, 2025 (HOL) – Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Dagvin Anderson, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya, halkaas oo uu kula kulmay madaxda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), waxaana ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

General Anderson ayaa uga mahadceliyay madaxda AUSSOM dadaalkooda joogtada ah iyo iskaashiga ay la leeyihiin Mareykanka si loo sugo amniga Soomaaliya,Wuxuu si gaar ah u la kulmay, Ambassador El-Hadj Ibrahima Diene, Kuxigeenka Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Major General Pieter Muteti iyo Taliyaha Booliska AUSSOM, Hillary Sao Kanu

Intii uu kulamadaas socday, General Anderson wuxuu xoojiyay muhiimadda ay leedahay isku-duubnida iyo wadaagga mas’uuliyadda ee u dhexeeya saaxiibada caalamiga ah si loo ciribtiro argagixisada.

Waxa uu sidoo kale caddeeyay in Mareykanka uu bixiyo taageero ballaaran iyo mid militari, mid tababar, iyo mid istiraatiiji ah balse ciidamada Afrikaanka ah ay yihiin kuwa dhab ahaantii wajaha khatarta dagaalka oo la tacaalaya Al-Shabaab.

General Anderson ayaa bogaadiyay geesinimada ciidamada Afrikaanka ah, isagoo sheegay in guusha laga gaarayo dagaalka argagixisada ay ku xiran tahay iskaashi dhab ah iyo faham wadajir ah oo u dhexeeya dhammaan dhinacyada la dagaallamaya argagixisada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).