16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

UK: Magangelyo-doon Soomaali ah oo dalbaday in dib loogusoo celiyo dalkiisa sababo amni

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Isniin, September 1, 2025 (HOL) – Xiisadaha ka dhanka ah dadka soo-macaajiriinta ayaa maalmahan sare u kacay gudaha UK, gaar ahaan magaalada Nuneaton, halkaas oo weerarro cunsuriyadeed iyo aflagaaddo joogto ah lagu bartilmaameedsaday magangelyo-doon iyo shaqaalaha caafimaadka.

Yuusuf, oo Soomaali ah kuna noolaa UK muddo 20 sano ah, ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku noqdo Soomaaliya.

Sababta ayuu ku sheegay in dalkii uu kasoo cararay uu maanta kaga nabad badan yahay Nuneaton oo ah magaalada uu ku nool yahay. “Dalkaan ma aha mid ammaan ah, laakiin Soomaaliya hadda waa ammaan. Waxaan rabaa inaan ku noqdo,” ayuu yiri.

Wareysi toos ah oo la qaaday xilligii uu hadalkaas sheegay ayaa dumarkii magaalada ka mid ahaa waxay aflagaaddo iyo cay ku weerareen magangelyo-doon kale oo u dhashay Iiraan oo lagu magacaabo Javed.

Xiisadaha ka dhanka ah soo-macaajiriinta ayaa sii xoogaystay kadib markii laba dhalinyaro Afghan ah lagu eedeeyay kufsi iyo afduub gabar yar. Inkasta oo ay falalkaas gaysteen tiro yar, haddana magangelyo-doon badan oo sharciyaqaan ah ayaa hadda wajahaya nacayb iyo weerarro joogto ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).