13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee lagu doortay Laascaanood

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 30, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo rasmi ah u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-cali, iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub, Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, kuwaas oo ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Laasacanood.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey xildhibaannada, guddoonka baarlamaanka, iyo dhammaan musharrixiintii u tartamay xilka madaxtinimada, isaga oo tilmaamay in doorashadan ay ka tarjumeyso biseyl siyaasadeed iyo faham qoto dheer oo ku aaddan dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo hoggaanka cusub masuuliyadda culus ee hortaalla, wuxuuna muujiyey kalsoonida uu ku qabo in ay noqon doonaan hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dhismaha dowladnimada.

Isagoo ka hadlayay doorka Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu caddeeyey in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in ay garab istaagto maamulka cusub, si loo dhameystiro hannaanka federaaleynta dalka, loogana shaqeeyo danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay shacabka iyo hoggaanka cusub ee Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka, iyo iskaashiga si looga gudbo caqabadaha jira loona gaadho horumar waara oo ku dhisan kalsooni, nabad iyo wada-tashi.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).