
Wasiirka iyo wafdigiisa waxa garoonka Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan Saraakiisha Ciidamada dowldda Jabuuti ee ku sugan Baledweyne ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM iyo saraakiisha ciidanka Militeriga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.
Wasiirka Cabduqaadir Xuseen Cumar ayaa kulamo la qaadan doona saacadaha soo aadan masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee Hiil walaal iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baledweyne.
Tagista wafdigaan ee Baledweyne ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Wasiirka iyo wafdgiisa Shalay soo gaareen magaalada Muqdisho, islamarkaana halkaas kulamo muhiim ah kula soo yesheen madaxda ugu sareysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wada in wafdigaan uu hoggaaminaayo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti iney Baledweyne uga sii gudbaan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.