12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Boqortooyada Qatar oo 3 Milyan oo Dollar ugu Deeqday Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Agoosto 27, 2025 (HOL) – Dowladda Boqortooyada Qatar ayaa 3 milyan oo dollar ugu deeqday dadka reer Somaliland ee abaaruhu haleeleen, kadib markii roobkii guga ee la filayay aanu imaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Cabdillaahi Daahir Jaamac Baashe, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga abaaraha, ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay deeqda ay soo gaadhsiisay xilli aad loogu baahnaa.

“Waxaan halkan amaan ballaadhan uga soo jeedinaynaa mahadnaq ku socda dowladda Qatar, oo runtii gargaar weyn oo walaalnimo ah nasoo gaadhsiisay, kaasoo aynu ka filaynay, dadka reer Somaliland ee abaaruhu haleeleen. Dowladda Qatar, oo aan walaalo nahay, waxay ugu deeqday gurmadka abaaraha 3 milyan oo dollar,” ayuu yidhi Wasiir Baashe.

Deeqdan ayaa imanaysa kadib safar uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, dhawaan ku tagay dalka Qatar, isaga oo la kulmay qaar kamid ah madaxda ugu saraysa dalkaas, isla markaana ka codsaday mashaariic horumarineed iyo taageero dhaqaale.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha aan xidhiidh hore la lahayn Somaliland, iyadoo xukuumadu sheegtay inay doonayso inay xidhiidh dhaw la samayso Qatar, oo saaxiib dhaw la ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa la safatay Imaaraatka iyo Sacuudiga sannadkii 2017, markaas oo qaar kamid ah waddamada Khaliijka iyo xulufadoodu xidhiidhka u jareen dowladda Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagixisada ah.

Taasi ayaa sii xumaysay xidhiidhka Somaliland iyo Qatar. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu dhexdhexaad ka noqotay xurguftii Qatar iyo Khaliijka iyada oo aan dhinacna la safan.

Somaliland ayaa wakhtiga Imaaraatka la saxeexatay heshiiskii ay shirkadda DP World ku samaysay dib u dhiska Dekedda Berbera, madaarka, iyo waddada isku xidhaysa Berbera iyo Wajaale, mashaariicdaas oo ku baxday lacag ku dhow milyan badhkii.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).