12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo farriin u diray musharaxiinta

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Arbaco, Agoosto 27, 2025 (HOL) – Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka SSC maamulka Waqoyi Bari Soomaaliya ayaa ku wargaliyay musharaxiinta in habeen dambe ay ku eg tahay qabashada araajida.

Guddiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen, in musharaxii aan guddiga usoo gudbin codsigiisa ugu dambayn siddeeda fiidnimo ee habeen dambe uusan ka qeyb gali doonin doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha guddiga doorashada, xildhibaan Axmed Kayse Cali Shire ayaa sheegay in ay qaban doonaan doorasho hufaan oo xor iyo xalaal ah. Wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan geeddi socodka doorashada oo uu sheegay inay ku dhammaan doonto jawi wanaagsan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay isku diyaariyaan doorashada kusoo wajahan, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay waqti hore soo xaadiraan maalinta doorashada.

Illaa iyo hadda 4 musharax ayaa aad loo hadal hayaa inay ka qeyb gali doonaan doorashada madaxweynaha maamulkaas, kuwaas oo kala ah, madaxweynaha talada haya, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Jamaal Maxamed Xasan, Cabdirisaaq Axmed Khaliif iyo Maxamuud Yuusuf Guray.

Madaxweyne Firdhiye ayaa wajahaya isbahaysi siyaasadeed oo adag oo doonaya inay ka tuuraan talada, inkastoo Firdhiye la aaminsan yahay inuu ku tiirsan yahay Dowladda Federaalka oo doonaya inuu isagu soo baxo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).