12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ciidamada Dowladda oo degaano muhiim ah ka saaray Al shabaabkii ku sugnaa Gobolka Shabeelaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, Agoosto 27, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Ciidamada Xoogga Dalka ay guul weyn ka gaareen howlgal ballaaran oo milatari ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo degaano muhiim ah looga saaray.

Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidamada ay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanno istaraatiiji ah oo horey u ahaan jiray saldhigyo muhiim u ah kooxda Al-Shabaab sida degaanada Macalinka, Baladul Amiin, Cumar Beere, iyo Balow.

Afhayeen u hadlay ciidamada milatariga ayaa sheegay in ciidamada Gorgor ay muujiyeen karti, xirfad, iyo geesinimo inta lagu guda jiray howlgalkan, isagoo xusay in guushan ay astaan u tahay dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka iyo ciidamada qalabka sida ay ugu jiraan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada.

Intaa kadib, injineerada milatariga ayaa bilaabay hawlgallo nadiifin ah oo lagu baarayo lana saarayo miinooyinka culus ee ay ka tageen dagaalyahannada Al-Shabaab, si dadka deegaanka loogu soo celiyo nolol nabdoon oo amni leh.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo ku wajahan ciribtirka qatarta Al-Shabaab ee gobolka, Ciidamadeennu waxa ka go’an sugidda nabadda iyo xasilloonida si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan deegaannadooda si nabad ah.” ayuu yiri afhayeenka.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa todobaadyadii la soo dhaafay noqday goob ay si xooggan uga socdaan howlgallada milatari ee lagu bartilmaameedsanayo fariisimada iyo saldhigyada ay kooxda Al-Shabaab weli ku leedahay qaybo ka mid ah dalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).