13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Kenya oo sheegtay inay 5 Dagaalame oo ka tirsan Al shabaab ku dileen keynta Boni

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Agoosto 27, 2025 (HOL) – Ciidanka Difaaca Kenya ayaa Talaadadii sheegay in ciidamada gaarka ah ee dalkaasi ay dileen shan dagaalyahan oo ka tirsan al Shabaab intii lagu guda jiray howlgal sirdoon ku saleysan oo ka dhacay kaynta Boni ee Gobolka Lamu.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Lakta Mangai, ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hub iyo sahay kala duwan, oo ay ku jiraan qoriga AK-47, hubka RPG-ga leh madaxyadooda, rasaas, baalayaasha qoraxda, teendhooyin, iyo agab loo adeegsado sameynta qaraxyada laga farsameeyo (IEDs), sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada Kenya.

Sidoo kale wararka waxa ay intaa ku darayaan in Dagaalyahanno kale oo dhowr ah ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah 

Saraakiisha Kenyan ka ah ayaa tilmaamay in howlgalka socda ee loogu magac daray “Hawlgalka Amani Boni” (OAB), kaas oo lagu bartilmaameedsanayo in laga saaro dagaalyahanada al Shabaab kaynta Boni ee ay muddo dheer u adeegsadeen saldhig kaddib marka ay ka gudbaan xadka Soomaaliya.

“Howlgalkaan waxaan ku dooneynaain lagu soo celiyo nabadda iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada gobolka Boni, si qoysasku u noolaadaan iyaga oo aan cabsi qabin,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ciidamada Kenya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).