13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo abaabul culus ka wada gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Agoosto 27, 2025 (HOL) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa gobolka Hiiraan ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo culus oo ay ku doonayaan iney dib ula wareegaan deegaanadii ay dhawaan qabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab. 

Ciidamadaan is kaashanaya ayaa buux dhaafiyay deegaano ku dhadhaw degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa iyo kuwa Macawiisleyda Hiiraan ayaa isla gartay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii kooxda looga xureyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Hiiraan.

Abaabulkaan ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kusoo aadaya, iyadoo maleeshiyaadka Al-shabaab mudooyinkii lasoo dhaafay ay isku balaariyaneen deegaanada ka tirsan Hiiraan, gaar ahaan kuwa hoostaga Buula burte, Maxaas iyo Moqokori. 

Tan iyo markii ay dhawaan kooxdu si rasmi ah ula wareegtay magaalooyinka Maxaas iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan waxaa inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ka socday kulamo iyo abaabulo dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo markale dib gacanta ugu dhigtay deegaano iyo degmooyin 2 sano ka hor laga xureeyay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).