14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Fedaraalka oo soo dhaweysay tababarka u soo dhamaaday ciidanka Masar ee ku soo wajahan Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Agoosto 26, 2025 (HOL) – Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda Masar inay tababar u soo xirtay ciidamo ay u soo direyso Soomaaliya oo ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadan ay dhawaan imaanayaan gudaha dalka, si ay uga qeyb qaataan howgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM)” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Golaha Nabadda iyo Amaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa horey u ansixiyay in ciidamo ka socda dowladda Masar iney ka mid noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSSOM.

“Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Masar uga go’antahay taageeridda amniga Soomaaliya iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay kaalinta Midowga Afrika iyo Saaxiibada Caalamka ee la xariirta xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya.

“Waxaan sidoo kale ku bogaadineynaa door muhiim ah ee ay ka qaadanayaan dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. 

Ciidamadan ka socda dalka Masar ee lagu wado in dhawaan ay imaan doonaan Soomaaliya ayaa wararku tilmaamayaan iney ka howl gali doonaan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Gedo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).