14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Puntland oo 72 saacadood u qabatay Daacish in ay iskusoo dhiibaan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Agoosto 25, 2025 (HOL) – Taliska Ciidamada Difaaca Puntland ayaa soo saaray digniin degdeg ah oo ay ku wargelinayaan dagaalamayaasha kooxda Daacish ee ku sugan godadka togga Baallade, halkaas oo ay ciidamada amniga Puntland si buuxda ugu hareeraysan yihiin.

Farriinta, oo ku qoran luqado kala duwan, ayaa muddada 72 saacadood loogu qabtay firxadka Daacish in ay si nabad ah iskugu dhiibaan ciidamada, si ay u helaan fursad badbaado ah.

Puntland waxay si cad u sheegtay in haddii ay isa soo dhiibaan xubnaha Daacish la ilaalin doono xuquuqdooda bani’aadantinimo, laguna celin doono eheladooda iyo deegaanadoodii ay ka yimaadeen.

“Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dagaalyahanada ISIS iyo cid kasta oo rabta inay isasoo dhiibto in ay muddo 72 saacadood gudahood ula soo xiriiraan ciidamada ammaanka Puntland. Naftaadu waa qaali,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska ciidamada.

Puntland waxay ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara haddii aysan Daacish aqbalin in aysan isisoo dhiibin. Waxay sheegtay in uusan jiridoonin meel looga baxsan karo ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in go’doominta hadda taagan ay tahay fursaddii ugu dambeysay ee lagu badbaadi karo, iyadoo dadaalka xooggan ee socda uu qayb ka yahay qorshaha ballaaran ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).