14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Raysal wasaare Xamse oo Agaasime cusub u magacaabay Xarunta TUBSAN

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Axad, Agoosto 24, 2025 (HOL) – Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Cali Yaasiin Gurbe u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha guud ee xarunta Qaran ee Ka hor tagga iyo La dagaallanka Fikirrada xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (TUBSAN).

Magacaabista Agaasimaha cusub ayaa lagu tilmaamay iney tahay mid muhiim u ah dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab si loo xoojinayo hay’adaha ka shaqeeya amniga maskaxda iyo ilaalinta fikirka bulshada Soomaaliyeed.

“Magacaabistan ayaa ka tarjumaysa sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta u siinayso ciribtirka khataraha Khawaarijta iyo aragtiyaha gurracan ee halista ku ah midnimada iyo amniga Qaranka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre

Raysal Wasaaraha ayaa u rajeeyay Agaasimaha cusub inuu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee xarunta, si ay u noqoto tiir adag oo kaalin muuqata ka qaata la dagaallanka Al-shabaab.

Xarunta TUBSAN ayaa ah hay’ad qaran oo si gaar ah u qaabilsan ka hortagga iyo ciribtirka fikradaha xagjirka ah, iyadoo la shaqeysa hay’adaha amniga, waxbarashada, diinta iyo bulshada rayidka ah, waxaana xilkaan horay u haayay oo laga qaaday Cabdullaahi Maxamed Nuur.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).