14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Itoobiya oo beenisay in ay istaageen kulamadii farsamo ee dhamesytirka baaqii Ankara

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Axad, Agoosto 24, 2025 (HOL) – Safiirka dalka Itoobiya ee Ankara, Adem Mohammed, ayaa beeniyay in la joojiyay kulamadii farsamo ee lagu dhameystirayay fulinta baaqii Ankara.

safiirka Ethiopia ee Ankara ayaa sheegay in inkastoo wareegga labaad ee wada-hadallada farsamo aan weli la qaban, haddana xiriirka labada dal uu weli wanaagsan yahay. Waxa uu rajo ka muujiyey in wada-xaajoodyadu sii socon doonaan, isla markaana aanay jirin sabab ay u istaagaan.

“Ma jiraan taariikh rasmi ah oo la isla oggolaaday wareegga labaad ee wada-hadallada farsamo,” ayuu yidhi. “Waxaan aaminsannahay in Heshiiska Ankara uu weli shaqeynayo.”

Safiirku waxa uu xusay in wada-hadallo hore uga dhaceen heer hoggaamiye iyo heer wasiir, isagoo carrabka ku adkeeyey in magacaabista safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Muqdisho ay calaamad u tahay xiriir caafimaad qaba oo ka dhaxeeya labada dal.

Waxa uu intaas ku daray in Heshiiska Ankara uu door weyn ka qaatay fududeynta wada-hadallo nabadeed, isla markaana dhinacyadu muujiyeen ballanqaadkooda ku aaddan nabadda gobolka, taas oo uu ku rajo weyn yahay inay horseedi doonto xiriir miro dhal ah oo lagu sii wado wada-xaajoodyada.

Waxa uu ammaanay doorka Türkiye ee ku aaddan ilaalinta nabadda iyo amniga Geeska Afrika, isagoo xusay in Heshiiska Ankara uu ka dhashay wada-hadallo uu dhexdhexaadiyey Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan.

Waxa uu sheegay in tan iyo markii Itoobiya heshiis la gashay Somaliland bishii Janaayo 2024, si ay u isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas, Türkiye ay dadaal ugu jirtay xallinta xiisadda ka dhex aloosan labada dal.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).