16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Fedaraalka oo maanta markale ku qabatay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Daroogo tiro badan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 23, 2025 (HOL) – Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta markale shaacisay in gacanta ku dhigay Daroogo si qarsoodi ah lagu soo galinaayay gudaha dalka, taasoo lagu qabtay garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu shaaciyay in gacanta lagu dhigay Daroogo culus oo ka kooban 48 jawaan oo mid kasta ay ku jirto 52 baakadood, islamarkaana wadarteedu tahay 2,496 baakadood iyo lix kartoon oo ah xaashiyo lagu xirxiray daroogadaas.

Daroogadan oo la tilmaamay iney khatar weyn ku tahay badqabka bulshada Soomaaliyeed, waxaana qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud lagu sheegay iney socdaan baaritaano rasmi ah oo lagu ogaanayo cida ku lugta leh soo gelinta gudaha dalka daroogadan, islamarkaana la horkeeni doono Maxkamada awoodda u leh.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud Qaranka ayaa uga digay cid kasta oo isku dayda inay ka ganacsato daroogada oo ah mid khatar ku ah caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed in laga qaadi doono talaabo adag oo sharci ah.

Ugu dambeyntii bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidan oo kale uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in gudaha garoo ka Aadan Cadde hay’adaha amaanka ku qabteen 189 baakadood oo daroogo ah iyo kiniiniyo ka reeban isticmaal iyo ganacsiba oo si sharci darro ah lagu soo gelinayay dalka, mana jirto ilaa hada cid arintaasi sharciga loo horkeenay.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka:-
    

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).