16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka degmada Garbahaarey

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 23, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo aroornimadii hore ee saakay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed  ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Birta Dheer oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga dalka ay heleen xog ku saabsan in maleeshiyaadka Al-shabaab ay isku aruursanayeen deegaanka Birta Dheer iyo agagaarkiisa. 

Weerarka ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac, hayeshee ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya inta uu dhan yahay khasaaraha dhabta ah ee dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Birta Dheer.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegeen in weerarka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana ciidanku ay burburiyeen saldhigyo iyo gabaadyo kooxdu ku laheyd halkaas.

Saraakiishu waxay sido kale sheegeen in howlgalkan uu qayb ka yahay gulufka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Gedo, kaasoo lagu doonayo in gabi ahaanba looga saaro kooxda deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan ee gobolka Gedo, iyagoona xusay in howlgalada noocaan ah ay sii socon doonaan inta laga xureynayo guud ahaan deegaanada gobolka Gedo. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).