16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Danjire Larry Andre: Way dhici kartaa in Maraykanku aqoonsado Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 23, 2025 (HOL) – Safiirkii hore ee Maraykanka u joogay magaalada Muqdisho, Danjire Larry Andre, ayaa sheegay in ay dhici karto in Maraykanku aqoonsado Somaliland, marka la eego culayska masuuliyiinta Maraykanka ee dabada ka riixaya qadiyaddeeda.

Danjire Andre oo waraysi dheer oo uu arrimo badan kaga hadlay siiyay gabadh la yidhaahdo Hodan Cali oo caan ka ah baraha bulshada, ayaa mar wax laga waydiiyay suurtagalnimada in maamulka Trump aqoonsado Somaliland sheegay in ay dhici karto.

“Way dhici kartaa, waxa aad u riixaya hoggaamiyayaal ka tirsan Jamhuuriga oo aad caan ugu ah qaabaynta siyaasadda arrimaha dibadda,” ayuu yidhi, isaga oo sheegay in jiritaanka arrintani ay sabab u ahayd qoraal uu dhawaan baahiyay oo uu kaga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland qaybo kamid ahi ay aaminsan yihiin in ay dib ula midoobaan Soomaaliya, isaga oo tusaale usoo qaatay reer Laascaanood. Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya aanay wada hadli karin inta Somaliland ay ku taagan tahay in kaliya lagala hadlo sidii ay dowlad madaxbannaan u noqon lahayd.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna sheegay in Somaliland ay aqoonsi heli doonto inta uu talada hayo, xilli uu olole xooggan oo lagu doonayo in Somaliland lagu aqoonsado uu ka socdo Maraykanka. Sidoo kale, Baarlamaanka Ingiriiska ayaa laga dhex sameeyay guddi la yidhaahdo Saaxiibada Somaliland, oo ka shaqaynaysa arrimaha ictiraaf-raadinta.

Haddaba, Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeeda in Somaliland ay aqoonsi hesho, iyada oo Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka, Xasan Daahir, uu qoraal uu shalay baahiyay ku sheegay in aqoonsiga Somaliland aanu marna horseedi doonin in nabad buuxda laga gaadho colaadaha Soomaaliya.

Somaliland oo 1991 ku dhawaaqday in ay ka baxday midowgii ay la gashay Soomaaliya, ayaa muddo dheer xusul-duub ugu jirtay sidii ay u noqon lahayd dowlad sharci ah oo la aqoonsan yahay, waxayna hadda isku dayaysaa in ay maamulka Trump si buuxda uga dhaadhiciso qadiyaddeeda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).