16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ciidanka Difaaca Puntland oo gacanta ku dhigay ceelal muhiim ah togga Baallade

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Agoosto 22, 2025 (HOL) – Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta oo jimce ah gudaha u galay deegaannada Yucrin iyo Maraagade ee ku yaalla Togga Baallade, halkaas oo ay ka dileen labo dagaalame oo ka tirsan kooxda Daacish.

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, Hawlgalka ayaa kusii fidaya dhul istiraatiiji ah oo ay kooxda Daacish ku aasi jireen hubkooda iyo kaydkooda dagaalka.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ciidanku aroornimadii hore ka saareen kooxda Daacish godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen, isla markaana ay ka go’an tahay in gebi ahaanba la soo afjaro kooxaha firxadka ah ee halkaas ku dhuumaalaysanaya.

Ciidanka Puntland ayaa shalay sidoo kale la wareegay ceelasha Carabi, Buur Gunburi, God-gudban iyo dhulka sare ee Maraagane, halkaas oo ay Daacish uga tageen maydad dagaalamayaal, xoolo iyo agabyo kale.

Ciidamada Puntland waxaaa howlgalkan kala qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka oo si joogto halkaas uga howlgalla, kuwaas oo ku taageeraya duqaynta goobaha looga shakiyo inay isku urursanayaan Daacish.
Daacish ayaa haatan ku hartay goobo aad u kooban, iyagoo ciidamada Puntland ay ku hareeraysan yihiin. Madaxweyne Deni ayaa ku wargaliyay saraakiisha ciidanka inay howgalka kusoo afjaraan illaa bisha September, si loo bilaabo holwgalka Calmadow.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).