
War-saxaafadeed lagu sii daayay Khamiis, 21-ka Agoosto, ACA ayaa xaqiijisay in hawlgalku lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay Kooxda Isku-dhafka Ah ee Amniga (Multi-Agency Team) oo ka howlgalaysay Malindi.
Intii lagu guda jiray hawlgalkan, waxaa la qabtay 676 kiish oo sonkor sharci darro ah oo lagusoo raray saddex gaari xamuul ah. Sidoo kale, siddeed eedeysane ayaa la xiray lana geeyay Saldhigga Booliska Malindi.
Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee ACA, Mbugua Njoroge, badeecadaha la qabtay oo qiimahoodu lagu qiyaasay ku dhawaad Ksh10 milyan ayaa khatar ku ahaa dhaqaalaha iyo amniga. Wuxuu xusay in badeecooyinka si qarsoodi ah loo soo geliyo ay dhaawacaan dakhliga dowladda, khatarna ku yihiin ganacsiyada sharciyeysan, isla markaana ay saldhig u noqon karaan dambiyada abaabulan iyo xitaa argagixisada.
“Qabashadan ma aha oo keliya sidii dadka looga ilaalin lahaa sonkor iyo saliid been-abuur ah oo waxyeello leh, balse waa tallaabo lagu difaacayo dhaqaalaha iyo amniga qaranka. Sonkorta been-abuurka ahi waxay dhaawacaysaa warshadaha sonkorta, taasoo saamayn taban ku yeelanaysa kumannaan beeraley iyo malaayiin qof oo noloshoodu ku xiran tahay qaybtaas,” ayuu yiri.
Hay’adda ayaa sheegtay in badeecooyinka sharci darrada ah ay ku kacaan Kenya celcelis ahaan Ksh153 bilyan sanadkii oo canshuur lumis ah, isla markaana sababaan in ka badan 40,000 oo shaqo la’aan ah.
Hal sano gudihiis oo keliya, ACA ayaa warisay inay qabatay badeecooyin sharci darro ah ah oo qiimahoodu ka badan yahay Ksh500 milyan, iyadoo in ka badan 120 eedeysane la xiray xiriir la leh ganacsigan sharci-darrada ah.