16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya oo ka digtay weeraro Al-shabaab ka geysan karto magaalada Nairobi

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Arbaco, Agoosto 20, 2025 (HOL) – Safaaradda dowladda Maraykanka ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo saartay digniin dhanka amniga ah oo la xariirta suurtagalnimada weeraro argagixiso oo kooxda Al-shabaab ka geysan karto gudaha magaalada Nairobi. 

Safaaradda ayaa muwaadiniinteeda iyo kuwa Ajaanibta ee ku sugan magaalada Nairobi uga digtay halis ka dhalan karta weerarada Al-shabaab iyo kooxaha kale ee loogu yeero Argagixisada.

War kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay in Safaaraddu ay dadka kula talineyso iney ka fogaadaan meelaha bartilmaameedka noqon kara oo ah goobaha kulanka bulshadu ku badan tahay sida Hoteelada, Maqaaxiyada, Suuqyada, Iskuulada, Saldhigyada Booliiska iyo goobaha kale ee Cibaadada.

“Safaaradda waxa ay Dadka muwaadininta ah iyo ajaanibta kale ogaysiineysaa in ay dhici karaan weerarro argagixiso oo kooxaha fulinaya sida AS ay ku maamuusayaan weerarkii Safaaradda ee 7-dii Agoosto, kan ka dhacay Maraykanka ee 11-kii Sabteember, kii 21 Sabteembar ka dhacay Westgate Mall iyo weerarkii Xamaas ee Israa’iil 7-dii Oktoobar” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya.

Digniinta Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa imaaneysa, iyadoo horay 
Safaaaradda Maraykanka ee Nairobi usoo gudbisay digniino la xiriira weeraro ka dhici kara dalka Kenya, waxaana xusid mudan in qaarkood ay dhaceen halka qaar kale aysan dhicin.

Ugu dambeyntii Safaaradda ayaa kula talisay Muwaadiniinteeda iyo ajaanibta kale ee ku sugan Nairobi iney adkeeyaan amaankooda shaqsi, islamarkaana ay muujiyaan taxadar dheeraad ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).