13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw gaaray magaalada Dhuusamareeb

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Agoosto 19, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, masuuliyiin ka tirsan maamulkaas iyo boqolaal shacab ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Dhuusamareeb. 

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la tilmaamaya inuu yahay mid daaran sidii diirada loo saari lahaa dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, kormeerka mashaariic horumarineed iyo arrimaha doorashooyinka maamulka Galmudug.

Waxaa sidoo kale wararku intaasi ku darayaan in madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogo Dhuusamareeb inuu xarigga ka jari doono xarunta cusub ee Baarlamaanka Galmudug iyo mashaariic kale oo laga hirgalayay gudaha magaalada caasimadda u ah maamul goboleedka Galmudug. 

Ugu dambeyntii amniga guud ee magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn ee magaaladaasi lagu arkaya ciidamo aad u hubeysan oo xaqiijinaya amniga magaalada oo marti galineysa madaxweynaha dalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).