13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Rag ka tirsan Al-shabaab oo maanta isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Agoosto 18, 2025 (HOL) – Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa si rasmi ah usoo bandhigay afar dhalinyaro ah oo horay uga tirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaas oo si iskood ah iskugu soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhalinyaradan oo magacyadooda aan la shaacin sababo amni dartood, ayaa warbaahinta u sheegay iney ka go’een fikradihii ay horay ugu biireen kooxda Al shabaab, isla markaana aysan sii wadi karin nolosha adag ee ay ku joogeen duurka, Waxay xuseen inay la kulmeen dhibaatooyin joogto ah oo ay kamid yihiin baahi, cabsi, cadaadis joogto ah iyo weerarro culus oo kaga imaanaya ciidamada qalabka sida ee dowladda.

“Waxaan go’aansanay in aan nolosheenna badbaadsanno, oo aan kusoo laabanno bulshadeenna, sababtoo ah Al Shabaab waxay naga dhigtay qalab dagaal, mana jirin nolol la taaban karo.” ayuu yiri mid kamid ah raga soo goostay.

Isku soo dhiibistooda ayaa imaaneysa iyadoo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay si weyn u dardargeliyeen howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda guud ahaan dalka, gaar ahaan gobolka Bakool, kuwaas oo qayb ka ah wejiga cusub ee dagaalka ‘Duufaanta Aamusan’, Howlgalkaas oo lagu beegsanayo xarumaha istiraatiijiga ah ee kooxda, iyadoo lagu guuleystay in la dilo horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Al shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in dhalinyarada isku soo dhiibtay lagu sameyn doono baaritaan buuxa, kadibna loo gudbin doono barnaamijka dhaqan celinta, si ay ugu laabtaan bulshadooda una noqdaan muwaadiniin waxtar leh.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).