13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Muungaab oo beeniyay eedeymaha sheegaya in dadka lagu khasbay isdiiwaangelinta doorashada

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Agoosto 18, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si adag u beeniyay eedeymaha sheegaya in shacabka lagu qasbay inay isdiiwaangeliyaan si ay uga qayb qaataan doorashooyinka deegaanka ee soo socda, isaga oo sheegay in habka isdiiwaangelintu uu ahaa mid si xor ah oo ay dadku si iskood ah ugu qayb qaateen.

Muungaab oo Axaddii ka hadlayay munaasabad rasmi ah oo ka dhacday caasimadda, ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan oo qof ay isdiiwaangeliyeen, isaga oo carabka ku dhuftay in aysan jirin wax kiis ah oo la xiriira qof la khasbay.

“Waxaan rabaa inaan si cad u sheego qofna looma khasbin inuu isdiiwaangeliyo,” ayuu yiri duqa. “Shacabka Muqdisho iyaga ayaa siiskood ah u yimid, iyaga oo diyaar u ah inay doorashadooda ka qayb qaataan. Tani waa astaan muujinaysa horumar dimuqraadiyadeed.”

Hadalka Muungaab ayaa jawaab u ahaa eedeymo uga yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo shacabka, kuwaas oo sheegay in ciidamada ammaanka la geeyay qaybo ka mid ah magaalada si ay cadaadis ugu saaraan dadweynaha inay isdiiwaangeliyaan iyadoo la sheegay in xitaa gaadiidka dadweynaha la joojiyay laguna khasbay dadka in la geeyo xarumaha isdiiwaangelinta.

Muungaab wuxuu eedeymahaas ku tilmaamay kuwo “siyaasadaysan” oo loogu talagalay in lagu wiiqo kalsoonida shacabka ee geedi-socodka doorasho ee hufan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).