13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Uganda oo martigelinaysa kulanka isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee Soomaaliya iyo Guinea

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Agoosto 18, 2025 (HOL) – Xiriirka Kubadda Cagta Uganda (FUFA) ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay codsi uga yimid Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ah in kulan katirsan isreebreebka koobka Adduunka 2026  lagu qabto Kampala, kaddib markii Soomaaliya ku guuldareysatay inay hesho garoon ay FIFA iyo CAF oggolaadeen in lagu ciyaaro.

“Soomaaliya waxay naga codsadeen inaan martigelino kulankaas sababtoo ah ma haystaan garoon ay FIFA iyo CAF oggolaadeen. Waxaan oggolaanay inaan martigelinno isla maalintaas oo ay Uganda wajahdo Mozambique ciyaarta labaad ee garoonka,” ayuu xaqiijiyay Agaasimaha Guud ee FUFA, Edgar Watson.

Qorshahan ayaa keenaya in laba kulan oo ka tirsan Guruubka G lagu ciyaaro garoonka Namboole, taasoo muujinaysa doorka sii kordhaya ee garoonkaasi ku leeyahay kubadda cagta gobolka iyo qaaradda.

Soomaaliya waxay hadda ku jirtaa kaalinta ugu dambeysa ee guruubka G iyadoo haysata hal dhibic oo ay ka heshay lix kulan, halka Guinea ay ku jirto kaalinta shanaad iyadoo leh toddobo dhibcood. Geesta kale, Uganda weli rajadeedu waa nooshahay balse waa mid adag, iyadoo Cranes ay ku jiraan kaalinta afraad iyagoo leh sagaal dhibcood, welina ku riyoonaya inay markii ugu horreysay taariikhda u soo baxaan Koobka Adduunka.

Algeria oo hoggaanka kooxda haysa ayaa leh 15 dhibcood, waxayna guuleysatay shan jeer iyadoo mar laga adkaaday.

Sagaal waddan ayaa loo qoondeeyay qaaradda Afrika Koobka Adduunka 2026 ee ka dhici doona Maraykanka, Kanada iyo Mexico. Martigelinta Uganda ee kulanka Soomaaliya–Guinea ayaa lagu tilmaamay fursad weyn oo taageerayaasha maxalliga ahi ku arki doonaan laba kulan oo muhiim ah hal maalin gudaheed.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).