13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Soomaaliya oo safka hore ka gashay dalalka ugu badan ee tacadiyada kufsiyadu ka dhacaan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Agoosto 16, 2025 (HOL) – Warbixin cusub oo Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in tirada kiisaska kufsiga iyo tacaddiyada galmada ee la xiriira colaadaha ee la soo sheegay sannadka 2024 ay kordheen boqolkiiba 25 marka loo barbardhigo sannadkii ka horreeyay.

Tirada ugu badan ee kiisaska waxaa laga soo sheegay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Haiti, Soomaaliya, iyo Koonfurta Suudaan, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in tacaddiyan ay gesyteen ciidamo dowladeed iy maleyshiyaad hubaysan, kuwaas oo masuul ka ah kufsiyo iyo noocyo kale oo tacaddiyo galmo ah oo ka dhaca goobaha ay ka dhacaan dagaallada hubaysan.

Kaliya gobolka Kivu ee Congo, shaqaalaha caafimaadku waxay daweeyeen in ka badan 17,000 oo dhibbane tacaddiyo galmo ah muddo shan bilood gudahood sannadkii hore, sida lagu sheegay warbixinta, iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidamada Congo iyo fallaagada M23 ay sii xoogaysteen.

Soomaaliya gudaheeda, tobannaan sano oo xasillooni darro ah, oo ay weheliyaan rabshadaha ku saleysan qabiilka, ayaa dalka ka dhigay mid u nugul tacaddiyo kufsiyada dumarka iyo carruurta.

Warbixintu waxay xustay in dadka ka badbaaday ay inta badan wajahaan dhaawac jireed iyo maskaxeed, oo ay sidoo kale usii dheer tahay ceebayn iyo helitaan la’aan caddaalad ama daryeel caafimaad.”

Warbixintu waxay diiwaangelisay dembiyo ay ka mid yihiin kufsi, kufsi wadareed, iyo addoonsiga galmo.
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).