13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Ciidanka amniga Puntland oo Daacish kala wareegay Deegaan istaraatiiji ah

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Agoosto 15, 2025 (HOL) – Ciidamada difaaca Puntland ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka istaraatiijiga ah ee Ceelka Wangable, oo ku yaalla waqooyiga degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib hawlgallo qorshaysan oo laga fuliyey halkaas.

 Saraakiil ka tirsan ciidamada amniga Puntland ayaa u xaqiijiyay HOL in Daacish laga saaray ceelka, halkaas oo muddo sanado ah u ahaa saldhig muhiim ah oo ay ku jireen madax sare, dagaalamayaal, iyo xaasaskooda.

Ceelka Wangable oo ah ceel aan go’in xilliyada abaaraha, ayaa muhiim u ahaa kooxda Daacish tan iyo sannadkii 2016, markii ay si buuxda u saldhigeen halkaas. Deegaanka waxaa hareeraysan buuro iyo godad dabiici ah oo u sahlayay kooxdu inay ku dhuumaalaysato, halka ceelka biyaha aan go’ayn uu ka dhigay meel lagu noolaan karo.

Warar aanu helayno waxay sheegayaan in Daacish goor hore isaga baxday deegaankan, lamana oga halka ay u jihaysteen illaa iyo haatan. Waxaase loo malaynayaa inay galeen buuraha ku dhow dhow. 

Deegaanka wuxuu u dhow yahay xeebaha, waxaana kooxda u fududaa inay kasoo gudbiyaan saanad iyo hub dhanka xagga xeebta ah. Wangable wuxuu u ahaa xarun ay kooxda kasoo diraan kooxo fulin jiray weerarro jidgal iyo qaraxyo, gaar ahaan aagga Toga-Jeceel, halkaas oo dhowr jeer lagu bartilmaameedsaday kolonyo ciidan.

Warbixinno sirdoon ayaa muujinaya in kooxda Daacish dib ugu soo laabatay deegaanka Wangable dabayaaqadii 2024, iyadoo marki hore geysay dumar iyo carruur, ka hor inta aysan usoo rarmin dagaalyahanno iyo hub culus, kadib jabkii ay kala kulmeen duqayntii 11 February ee Puntland ku qaaday fadhiisimohoodii gobolka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).