13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgal qorsheysanaa ka fuliyay Koonfurta gobolka Mudug

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Agoosto 15, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysnaa oo maanta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ka fuliyeen deegaanka Faarax Aadan ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. 

Ciidamada is kaashanaya ayaa weerar ku beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo halkaasi ku lahaa saldhigyo ciidan, hayeshee lama soo warin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in weerarka uu mid ay uga hortagayeen abaabulo ay kooxdu ka waday deegaanka Faarax Aadan.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in howlgalka ay ku burburiyeen fariisimahii iyo gabaadyadii kooxdu ku laheyd deegaanka, islamarkaana uu wali socda howlgalo lagu sii baacsan haayo maleeshiyaadka.

Ugu dambeyntii deeganada dhaca Koonfurta gobolka Mudug waxaa inta badan ka dhaca howlgalada noocaan oo kale ah ee ka dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada ku yaala Koonfurta gobolkaas.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).