
Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku doodayso in “haddii Maraykanku aqoonsado Somaliland ay taasi wiiqayso dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada ee Soomaaliya”, taas oo uu ku tilmaamay xeelad lagu hor istaagayo in Maraykanku gaadho danihiisa.
“Warqaddan waxay cadaynaysaa in Soomaaliya Al Shabaab u adeegsanayso gorgortan iyo cadaadis diblumaasiyadeed oo ay ku saarayso Maraykanka haddii uu ka hadlo danihiisa Geeska Afrika, isla markaana ay kula dagaallamayso aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Yoonis, isaga oo ka jawaabayay warqad kasoo baxday Safaaradda Soomaaliya ee Washington.
Wuxuu sheegay in warqadda safaaraddu ay markhaati u tahay in malaayiinta doollar ee Maraykanku uu ku bixiyo dhismaha Ciidanka Soomaaliya ay Muqdisho u adeegsanayso in ay kula dagaallanto danaha Maraykanka. “Tani waxay cadaynaysaa in ay leeyihiin: haddii uu Maraykan danihiisa ka hadlo, annaga oo Al Shabaab ah ayaa la dagaallamayna,” ayuu yidhi.
“Maamulka Muqdisho waxa muuqata in aanay rajo ka soo muuqan nidaam ay dhistaan, balse ay doonayaan in ay Al Shabaab u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Somaliland, Maraykanka iyo Itoobiya marka ay kala hadlayaan dantooda iyo istaraatiijiyadooda Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu Wasiirku sii raaciyay hadalkiisa.
Waraaq kasoo baxday Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in uu dhaawac soo gaadhi doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo iskaashiga ciidan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka haddii Washington ay aqoonsato Somaliland.
Qoraalka Dowladda Soomaaliya ayaa soo baxay kadib markii Senator Ted Cruz, oo ah madaxa guddi hoosaadka Senate-ka u qaabilsan Afrika, uu qoraal toos ah kaga codsaday Madaxweyne Trump in uu aqoonsado Somaliland.
Aqoonsiga Somaliland ayaa taageeradii ugu badnayd ka helay gudaha Maraykanka, iyada oo Trump uu sheegay in uu gacanta ku hayo arrinta qadiyadda aqoonsiga Somaliland, waxaana jira sharciyo la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland oo la horgayn doono golayaasha Maraykanka.