13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Faahfaahino kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Agoosto 15, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya degmada Philippi oo ka mid ah degmooyinka hoostaga magaalada Cape  ee dalka Koonfur Afrika in Xalay lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.

Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka dhacay xaafada Philippi Valley, waxaana dilkiisa geystay burcad hubeysneyd oo u dhalatay dalkaasi Koonfur Afrika, kuwaas oo isaga baxday goobta dilka kadib.

Allah u naxariistee muwaadin Soomaaliyeed ee Xalay la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abshir Cali Xuseen, waxaana burcadu ay ku dhex dileen goob ganacsi oo uu ku lahaa degmada Philippi.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan dhacdada falka dilka ah iyo burcada ka dambeeysay, walow aysan jirin cid ay u soo qabteen dilka Marxuumka.

Si kastaba ha ahaate magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan dil, dhaawac iyo boob loogu geysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku leh ganacsiyada, waxaana dowladda Koonfur Afrika ay sheegta mar waliba iney wax ka qaban doonto dhibaatooyinka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).