
Afhayeen Abuukar Maxamed ayaa xusay in ciidamada dowladda ay ku jiraan diyaar garow iyo abaabul sare oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku howlan dhibaateynta iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed.
“Maalmaha soo socda shacabka Soomaaliyeed waxay maqli doonaan war ay ku farxaan oo ah in deegaano iyo degmooyin muhiim ah laga saari doono cadowga argagixisada, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Maxamed.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga in diyaar garowga iyo abaabulka ciidanka xoogga dalka ay si weyn uga socdaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada kala ah Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa codsaday in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka iney ka qeyb qaataan howlgalada cusub ee la qorsheynaayo in lagu qaado deegaanada gacanta ugu jira Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.