
Warmurtiyeedka Madasha ayaa ugu horeyn lagu sheegtay in kulamadii wadaxaajoodka aysan ka dhalan wax heshiis ah oo wax ka bedel ku sameeya xaaladda siyaasadeed, amniga iyo hanaanka doorasho ee dalka, waxaana taasoi ay ku tilmaameen fursad weyn oo lumisay rajadii shacabka Soomaaliyeed.
Madashu waxay sidoo kale ku baaqeen in dowlad goboleedyada maqan Puntland iyo Jubbaland laga qeyb geliyo wada hadalka Qaran si heshiis buuxa loga gaaro doorasho toos ah oo daah furan oo heshiis lagu wada yahay.
“Nasiibdaro lama gaarin Heshiiskii Shacabka Rajo gelin lahaa loogana badbaadi lahaa Khalalaaso Siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warmurtiyeedka Madasha.
Warmurtiyeedka Madasha waxaa sidoo kale lagu dalbaday in 9-ka bil ee ka harsan muddo xileedka madaxweynaha xal degdeg ah laga gaaro doorasho toos ah oo qof iyo cod ah, sida ku cad heshiisyadii hore iyo in si deg deg ah loo joojiyo colaadda ay dowladda ka waddo gudaha dalka, gaar ahaan gobolka Gedo.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Madasha Samatabixinta kasoo baxay oo dhameystiran:-
