13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Agoosto 14, 2025 (HOL) – Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa goordhaw faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal khasaare kala duwan geystay oo saakay aroornimadii hore ka dhacay xaafada Horseed ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ay sameeyeen howlgal lagu xaqiijiyay amniga oo lagula dagaalamay hubka sharci darada ah ee lagu dhex haysto degmooyinka gobolka Banaadir.

“Falkan, oo ahaa mid khilaafsan nidaamka iyo xeerarka amniga ee caasimadda, ayaa sababay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow goobta, xubno ka tirsan Ciidamada Amniga, iyo qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubaysnaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in ciidamada amniga ay haatan si buuxdo gacanta ugu hayaan goobahii saakay dagaalka uu ka dhacay ee degmada Hodan.

“Ciidamada Amniga ayaa xasiliyay goobta, kana saaray maleeshiyaadkii hubaysnaa, iyagoo qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Taliska ciidanka Booliiska ayaa sidoo kale digniin adag u diray dadka ku howlan taageerada falalka lidiga ku ah amaanka guud ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. 

Ugu dambeyntii Booliiska Soomaaliya ma sheegin khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay degmada Hodan oo ahaa mid sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, iyadoo dagaalka uu ahaa mid ka dhashay shacab diiday in laga saaro garoonka Kooxda Horseed ee ciidanka oo ku yaala meel u dhow Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).