Guddoomiye Muungaab ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardayda ka gudubtay imtixaanka, gaar ahaan gabdhaha ku guuleystay kaalmaha ugu sarreeya ee gobolka, waxaana uu hadiyad ama abaalmarin ahaan uu u guddoonsiiyay Dahab taa oo ay waalidiinta Ardeydaan ay si weyn usoo dhoweeyeen.
Waxaana Kaalinta 1-aad gashay Sakiyo Cabdullaahi Cali Iimaan oo wax kabarata Dugsiga Amiir Nuur, ee Degmada Warta Nabadda, Kaalinta 2-aad waxaa gashay Sahro Axmed Cali Maxamed oo kamid ah ardeyda Dugsiga Giirre ee Degmada Dharkenley iyadoona Kaalinta 3-aad ay ku guuleysatay Maymuun Ramadaan Cali Cumar oo wax kabarata Dugsiga Imamu Zaylici, ee kuyaala Degmada Yaaqshiid.
Sidoo kale, Guddoomiye Muungaab ayaa hambalyo iyo mahadcelin u diray waalidiinta, macalimiinta, Agaasinka Waxbarashada, iyo dhammaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka ka qeyb qaatay sidii uu imtixaanka shahaadiga ahaa si nabad ah iyo guul leh ku dhammaan lahaa.
Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay tayeynta waxbarashada, dhisidda iyo ballaarinta xarumaha waxbarasho, si ubadka gobolka u helaan waxbarasho tayo leh oo bilaash ah.