13.8 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Ugaaska Beelaha Xawaadle iyo Masuuliyiin kale oo maanta gaaray magaalada Baledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Agoosto 13, 2025 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayay Ugaaska beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo mudooyinkii dambe ku maqna dalka Dibadiisa.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa wafdigiisa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid iyo siyaasiyiin kale oo caan ah oo kasoo jeeda beelaha Xawaadle oo uu ka mid yahay Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baledweyne kuso dhaweeyay masuuliyiin, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Ujeedka Ugaaska iyo wafdigiisa ee Baledweyne ayaa la sheegay iney la xariirto shir weyne beesha Xawaadle ay uga tashaneyso aayaha gobolka Hiiraan, xili inta badan gobolkaas ay beesha kula dagaalameyso mudooyinkii dambe Alshabaab. 

Ugaas Yuusuf oo si kooban ula hadlay warbaahinta iyo bulshadii kala duwaneyd ee soo dhaweysay ayaa iclaamiyay shir beeshiisa berito uga furmaya Baledweyne.

“Berito 09:00 subaxnimo waa inaan isku imaana dhamaan waxgaradka beelaha Xawaadle, waana ku mahadsan tihiin soo dhaweyntiina” ayuu yiri Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Si kastaba ha ahaate Imaashaha Ugaaska iyo Wafdigiisa ee magaalada Baledweyne ayaa kusoo aadeysa, iyadoo marxalad  cakirnaan ah ay ka jirto meelo badan oo ka mid ah degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan oo ay isaga soo barakaceen boqolaal qoys oo kasoo jeeda Beelaha Xawaadle. . 

Ugu dambeyntii shirkaan uu iclaamiyay Ugaas beelaha Xawaadle ayaa ah mid si weyn looga dhirsagayo natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi doonto, maadama beeshu mudo dheer ay tabasho xoogan ka qabtay hanaanka jiritaanka Hirshabeelle, waxaana taasi haatan ugu sii darsoomay dagaalka mudada dheer kala dhaxeeya Xawaadle kooxda Al-shabaab. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).