15.9 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Shir u dhaxeeyay Dowladda iyo Mucaaradka oo xalay fashil kusoo dhamaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Agoosto 12, 2025 (HOL) – Wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda mucaaradka ayaa habeenkii Isniinta burburay, ka dib markii ay ku guuldareysteen inay isku afgartaan arrimo muhiim ah, gaar ahaan hirgelinta nidaamka hal qof iyo hal cod.

Guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta war-saxaafadeed la filayay in lagu dhawaaqo Arbacada ayaa dib u dhigay kulamadoodii, iyadoo lagu wargeliyay in kulanka xiga uu dhici doono Talaadada maanta ee Agoosto 12.

Si kastaba ha ahaatee, rajo aad u yar ayaa laga qabaa in labada dhinac ay heshiis gaaraan, maadaama khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya ay sii xoogeysteen.

Dhanka kale, hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, halkaas oo ay kaga tashanayeen tallaabada xigta haddii wadahadalladu si rasmi ah u burburaan.

Is-mari waaga taagan ayaa muujinaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee sii baahaya, xilli dalka uu wajahayo isbeddelo doorasho oo la filayo in la dhaqan geliyo dhawaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).