
Ilo-wareedyo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay HOL in duqeyntan si gaar ah loogu beegsanayo xubno ka tirsan Daacish oo la sheegay inay isku uruursanayeen deegaannada Maraagade iyo Yucrin, kuwaas oo ku yaalla gudaha togga Baallade.
Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in duqeyntu tahay mid culus oo laga maqlayo dhulka ku dhow togga Baallade.
Howlgalkan cirka ah ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Puntland ay go’doomiyeen togga Baallade, halkaas oo maanta laga bilaabay hawlgal dhulka ah oo loogu talagalay in lagu soo afjaro joogitaanka kooxda Daacish ee gobolka.
Puntland ayaa qorshaynaysa in howlgalka Daacish lagusoo afjaro illaa bisha September. In ka badan 700 askari oo cusub ayay Puntland ku biirisay howlgallada ka socdabuuraha Calmiskaad si loosoo afjaro Daacish.